Xildhibaanadii dhawaan lagu soo doortay Magaalada Ceel-waaq ee degaan doorashada Labaad ee Jubbaland ayaa la dhaariyay, iyadoo sidoo kale ay jiraan Xildhibaanno kale oo lagu soo doortay Garbaharreey oo iyagana Caawa lagu dhaarinayo Muqdisho.
16-ka xildhibaan ayaa la dhaariyay, waxaana inta dhaarintu socotay weerar lagu qaaday Hoteelka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidan taabacsan dhanka Farmaajo kana tirsan NISA ay weerarka qaadeen.
Sidoo kale Waxaa dhaarintooda goob ka ahaa guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federal.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha shacabka oo Xildhibaanada dhaariyay ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Ciidamada ammaanka oo uu sheegay in ay ka amar qaataan madaxda sare.