Dabley hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay weerar khasaaro dhaliyey ku qaaday goob Ganacsani oo Muwaadiniin Soomaali ah ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Khayalisha oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Dableyda oo markii hore gudaha u gashay dukaan ay ku sugnaayeen laba Muwaadin Soomaali ayaa rasaas xoogan oo toogasho ah la beegsaday Muwaadiniinta halkaas joogtay, iyagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.
Allaha u naxariistee Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Jowhar iyo Yaasiin Cumar oo kamid ahaa Soomaalida goobaha Ganacsi ku leh Koonfur Afrika, waxaa sidoo kale goobta iyana lagu dilay laba nin oo kale oo kasoo jeeda Malawi.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo gurmad ah ayaa gaaray goobta lagu dilay Soomaalida iyo dadkii la shaqeenayay, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka geysatay oo burcad ahaa.
Dilkan loo geystay dhallinyaradan Soomaaliyeed ayaa kusoo aaday, xili habeen horey sidaan oo kale deegaan hoostaga Cape Town lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, maalmo kahor isla Cape Town ayaa lagu dilay ganacsato kale oo Soomaaliyeed, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada dilalka loo geysanayo Soomaalida.