Nin hubeysan ayaa waxa uu manta weerar ku qaaday Xafiiska Xisbiga Dimuqraadiyada Dadweynaha ee HDP ee taageersan Kooxda hubeysan ee Gooni-goosad-doonka Kurdishka ee PKK.
Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in hal qof lagu dilay weerarkaasi oo ka dhacay Gobalka IZMAR ee Galbeedka dalkaasi.
Boliska waxay gacanta ku dhigeen Ninkii weerarka geystay oo 27-jir ah, horeyna u ahaa Shaqaale Caafimaad, halka qofka la dilayna ahayd Haweeney ka mid ah Shaqaalaha Xisbiga HDP.
Dhinaca kale, Saraakiisha Xisbigaasi waxay ku eedeeyeen Dowladda Turkiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha beegsanayaan xubna Xisbiga iyo Taageerayaashooda.
Qoraal la soo dhigay Twitterka Xisbiga Dimuqraadiyada Dadweynaha ee HDP ayaa lagu sheegay in Ninka weerarka geystay uu watay Qori, isla markaana uu dab qabadsiiyey Xafiiska Xisbiga.