Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug gaar ahaan duleedka deegaanka Saax-qurun oo hoostega Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay dad isku qoys ahaa.
Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa weerarka ku qaaday dad isku qoys ah oo isugu jiray 2 Caruur ah iyo Aabahood oo ku sugnaa guri ay lahaayeen oo ku yaalla duleedka deegaanka Saax-qurun ee Mudug dhinaca Maamulka Galmudug.
Inta la xaqiijiyay laba Carruur iyo Aabahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi Waalid ayaa ku geeriyooday weerarka oo loo adeegsaday qori AK-47, isla markaana waxaa uu ku dhaawacmay wiil yar oo 8-sanno jir ah.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in xiligii uu weerarka dhacayay goobta ka maqneyd Hooyada Carruurta dhashay, waxaana markii dambe halka uu falka ka dhacay tegay qaar kamid ah dadka Saax-qurun oo Xarun Caafimaad geeyay Wiilka yar ee dhaawacmay.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in weerarka khasaaraha geystay ee ka dhacay deegaanka Saax-qurun ee hoostega Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uu la xiriiro aano qabiil oo horey uga dhacday halkaas.
Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacay weeraro lagu dilay dad isku qoys ahaa iyo dad kale, waxaana inta badan falalkaas dhacayay ay salka ku haayeen aanooyin qabiil.