Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka oo jicmo ah weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin magaalada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Weerarka kadib ayaa waxaa bilowday dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa saldhiga iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana dagaalka halkaas ka dhacay uu socday laba saacadood oo xiriir ah, lana maqlayay hubka culus.
MasΓ’β¬β’uuliyiin ka tirsan maamulka Buulo-mareer ayaa u sheegay Idaacadda VOA inay Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee magaalada oo ay markii hore kusoo weerareen qaraxyo laba ah , iyada oo sidoo kale Al-Shabaab lagu arkay magaalada dhexeeda.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Diyaarado joog hoose ku socda ay dul-heehaabayaan saldhiga ciidanka ATMIS ee Buulo-mareer, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalkii ka dhacay magaaladasi.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen saldhiga ay leeyihiin ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda, ayna cagta mariyeen, waa sida ay hadalka u dhigeen, dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka.