Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar bambaano oo Caawa lagu qaaday mid ka mid ah laamaha ay ka kooban tahay degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.
Weerarkaas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacantay 4 Ruux oo isugu jira Ciidan iyo Shacab sida ay sheegeen dad ku sugan halka weerarka Bambaano uu Caawa ka dhacay.
Dadkii bambaanooyinka ku tuuray mid ka mid ah laamaha ay ka kooban tahay degmada Yaaqshiid ayaa sida la sheegay Goobta ka baxsaday,waxaana sida caadada aheyd gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo howlgallo ka wada.
Weerarkaan Bambaano ee Caawa ka dhacay Yaaqshiid ayaa kusoo aadaya xilli saakay degmada Waaberi weerar Bambaano uu ka dhacay kaas oo aan geysan wax khasaaro ah.