Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Giriiga, Nikos Dendias ayaa waxa uu maanta booqasho Taageero muujin ah ku tegay dalka Turkiga . Dhigiisa dalka Türkiye, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Şakirpaşa Airport ee Gobalka Adana oo ka mid ah Tobanka Gobal ee uu Dhul-gariirku ka dhacay Toddobaadkii la soo dhaafay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Giriiga, ayaa waxa uu Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga ku tilmaamay Masiibada Qarniga “The disaster of the Century”. Imaanshiisa waxay ka dhiganta tahay inuu yahay Wasiirkii u horeeyey ee ka socda dalalka Midowga Europe ee EU oo booqasho ku taga dalka Turkiga tan iyo Dhul-gariirkii kadib.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Giriiga oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo dhigiisa Turkiga ayaa waxa uu tilmaamay inuu dalkiisa sii wadi doono Taageerada Türkiye ee ay kaga gudbayaan maalmaha dhibaatada leh.
Dowladda Giriiga waxay dalka Turkiga u soo direen 80 tan oo Qalabka Daaweynta iyo Qalabka Gargaarka Degdega.
Dhul-gariirkii isbuucii hore ku dhuftay dalka Türkiye waxaa la shaaciyey inay ku geeriyoodeen in ka badan 28,000 oo qof, iyadoo Kumanaan kalena ku dhaawacmeen.