Wasiirkii hore amniga Xukkumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay Xilka Qaadistii uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Xasan Xundubeey oo warbaahinta la hadlay sidoo kalena qoraallo kala duwan soo saaray ayaa sheegay in Xilka qaadistii lagu sameeyay ay ahayd mid sharci darro ah, waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay mid uu doonayo RW Rooble in dalka uu qalalaaase hor leh galiyo.
“Aniga iyo RW Rooble waxaan isku ogayn, oo aan isku dhaarsannay in dalka dhibaatada laga saaro, waxaana ka mid ahaa Wasiirada sida gaarka ah ula saqeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble, lama joogo xilli la is qabqabsado oo xil la iska qaado, waxaa dalku uu galayaa doorasho, waana in laga wada shaqeeyaa arrimahaas†ayuu yiri Wasiirkii Xilka laga qaaday Xasan Xundubeey Jimcaale.
Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Federaalka ayaa intaasi ku daray in ay been abuur tahay wararka sheegaya in isagu dalbaday in xilka laga qaado, waxaana uu sheegay in aysan sharci ahayn xilka qaadistiisu.
Hadalka Xasan Xundubey ayaa imaanaya iyadoo Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble  xilka Wasiirka amniga loogu magacaabay inuu noqdo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, taasi kasoo hor jeestay Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in ay tahay sharci dorro.