Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa iska diiday in uu hor tago xafiiska xeerilaaliyaha Qaranka, kadib markii horay Xeer ilaalintu u dalbtay in Wasiirku hor yimaado.
Wasiir Beyle ayaa diidmadiisa u Cuskaday qodobbo Dastuuri ah,waxaana uu sheegay in xafiiska xeerilaaliyaha Qaranka uusan awood u leheyn in uu u yeero isaga, taa baddal keedana looga yeeri karo oo kaliya Xafiiska Garyaqaanka guud ee Dalka.
Wasiirka Xilgaarsiinta ah ayaa intas ku daray in uu u hoggaansami doono soo jeedinta iyo go’aamada uu u soo jeediyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee dalka, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in Xeer ilaalintu ay soo marto Xafiiska G      aryqaaanka.
HOOS KA AKHRISO WARQADDA UU SOO SAARAY WASIIRKA MAALIYADDA