Wariyaheena Saleeyman Raage ayaa soo sheegaya in gaari Jidka ka baxay oo nuuca raaxada ah lagu dhuftay guriga Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska Injineer Saalax Sheekh Cismaan ee Agagaarka xaruntii Wasaaradda amniga.
Ciidamo booliska ah ayaa gaaray guriga Wasiirka waxa ayna wariyaheena u sheegeen in qof ku dhintay 2 kale dhaawacmeen oo oo ahaa Darawalada Mootoyooyinka bajaajta.
Wasiir Saalax ayaa wali ka hadlin waxayse Booliska sheegayaan in isaga la khaarijin lahaa,wasiir saalax ayaana xilka wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska ahaa xilligii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Horay ayaa waxaa agagaarka Xarunta madaxtooyada Soomaaliya sanadkii tegay ee 2017Â Ciidamo ilaalo u ahaa Hanti dhowrihii Qaranka ay ku dileyn Wasiirkii howlaha Guud iyo guryenta Soomaaliya Cabaas Sheekh Siraaji.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsa.com.