Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka qalabka sida ay ku leeyihiin magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.
Wasiirka Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiintii wehlisay oo la hadlay Ciidanka ayaa ku dhiiragaliyay shaqada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in loo baahan inay sii laba-laaban maadama xilligan lagu jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Ciidamada qalabka sida ee kuu sugan fadhiyada kala duwan magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa shaqo xooggan ka qabtay dhanka sugida amniga, iyaga oo haatanna u diyar garoobaya wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
“In horumar la gaarsiiyo magaaladdan iyo deeggaannada ku teegsan, bulshadda ku noolna ay hesho adeeg dowladeed oo dhameystiran, in dadka danta yar ay helaan adeeg caafimaad iyo nolol dhameystiranba, waxa kaliya ee noo furanna waa inaan ka xorreyno shacabkeenna dhiig-miiratada la haray†ayuu yiri wasiirka Cabduqaadir Maxamed Nuur.