Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.
Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray ka dhan ka ah AS, wareejinta Howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo xoojinta mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.