Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa shaaca ka qaaday in inta lagu guda jiro dagaalka dalka looga saarayo AS, la dallacsiiyay saraakiil badan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa kalena la abaal marin doono dhowaan.
Wasiir Jaamac oo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirrigelinayay Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa ammaanay kartida iyo dhabar adayga ay muujinayaan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in dallacaaddu ay tahay qeyb ka mid ah abaalmarinta ay mudan yihiin saraakiisha ku guuleystay howlgalka.
“Intii lagu guda jiray dagaalka, waxaan dallacsiinnay saraakiil badan oo ku sifoobay naf hurnimo iyo ka go’naansho ay kaga hortageen cadawga. Kuwa harayna dhowaan waxaa la siin doonaa abaalmarin ay u qalmaan,†ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in dallacaaddu aysan ku koobnayn Muqdisho, balse ay gaartay dhammaan saraakiisha howlgallada ka wada gobollada dalka, kuwaas oo uu ku tilmaamay geesiyaal u dhabar adaygay difaaca dalkooda.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, oo isna ka hadlay munaasabadda, ayaa xusay in dallacsiinta iyo abaalmarinta ay yihiin geeddi socod muddo soo socday, ayna sii wadi doonaan qiimeynta iyo abaalmarinta saraakiisha ku wanaagsan kartida iyo waajib gudashada.
Sareeyo Gaas Odowaa Yuusuf Raage, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa dhankiisa sheegay in saraakiisha la dallacsiiyay ay si hufan u guteen waajibaadkooda Qaran, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Qaranku uu aqoonsan yahay cid kasta oo si daacad ah u gudata mas’uuliyadda saaran.
Munaasabaddan ayaa noqonaysa mid ka mid ah tallaabooyinka lagu dhiirrigelinayo saraakiisha iyo ciidamada ka shaqeynaya sugidda amniga iyo nabadda dalka, iyagoo mar kasta loo aqoonsanayo dadaalkooda iyo halganka ay ugu jiraan xasilloonida Soomaaliya.