Wasiirka Wasaaradda Difaaca SoomaaliyaΓΒ Cabdul qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen Magaalooyin ay Kamid yihiinΓΒ Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Xubnaha uu hogaaminayo Wasiirka ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Dhuusa Mareeb.
Wasiirka ayaa waxaa uu kulamo la qaatay Maamulka Degmadda iyo qeybaha Kala Duwan ee bulshadda Degmadaasi ku dhaqan.
Kulanka kadib ayaa Wasiirka gaashaandhiga ΓΒ iyo Wafdigiisa Waxaa ay u dhaqaaqeen ΓΒ degmaddaΓΒ Guriceel iyadoona la tilmaamayo inay booqan doonaanΓΒ Dugsiga tababarada Ciidanka ΓΒ ee Har-qaboobe iyoΓΒ Xerada 21 aad.
Booqashada Wafdigan ayaa timid iyadoo maalmihii dambe MagaaladdaΓΒ Guriceel ay dhawr jeer kusoo laabteen dagaalo xoogan.