Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xildhibaan Maxamed Aadan Geesood iyo Wasiirkii hore Wasiir Cabdullahi Axmed Jaamac (ilko-jiir)
Mudane Cabdisalaan ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore hawlihii muhiimka ahaa ee uu ka qabtay wasaaradda labadii sano ee la soo dhaafay — isagoo wasiirka cusub kula dardaarmay inuu dadaal dheeraad ah galiyo sidii loo horumarin lahaa Wasaaradda Dekedaha oo muhiim u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee loo igmaday.