Wasiirka cusub ee Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cabdi Aaden Hoosoow, ayaa Maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, C/fitaax maxamed Ibraahim (Geeseey).
Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda ayaa waxaa qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud, Wasiir ku xigeenka Wasraadda, Jamaal Xasan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirkii hore ee Wasaradda, Mudane ; Cabdifataax Maxamed Ibraahim , ayaa ugu horeyn ka hadlay Waxyaabihii u qabsoomay oo ay kamidyihiin heshiisyo uu la galay hay’ado Caalami ah iyo Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaliya.
Wasiirka Cusub ee Wasaradda, Cabdi Aadan Hoosoow ,ayaa sheegay inuu la imaan doono hufnaan caddaalad iyo how-karnimo dhinaca shaqada ah, halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda.