Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka la wareegay, iyada oo uu ku wareejiyey Sii-hayihii ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad).
Axmed Fiqi, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ee ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo RaΓ’β¬β’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo u gartay in xilkan cusub ugu adeego qaranka,
Waxa uu ballanqaaday xoojinta kaalinta Diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya isaga oo intaa raaciyay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo masaalixda kala duwan ee qaranka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamiga ah.
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya mudane Fiqi ayaa xilka la wareegaya xilli wax ka qabasho, dardargelin iyo horumarin u baahan yihiin danno badan oo Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka dariska, gobolka iyo caalamkaba.
Xilwareejinta kadib, Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa kulammo kala duwan la qaatay hoggaanka, waaxyada iyo howlwadeennada Wasaaradda isaga oo ka dhageystay shaqada ka socota iyo ajendeyaasha sanadka.
Danjire Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsanaa Wasaaraddan Arrimaha Dibadda, heystana khibrad in ka badan 20 sano uu ka shaqeynayay hoggaanka sare ee heerarka kala duwan ee dowladnimada, soona noqday Safiirka Soomaaliya ee Suudaan, Taliyaha NISA, Wasiirka Amniga Galmudug, shaqadan cusub ka horna ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhiig cusub ku shubo siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya isla markaana uu soo celiyo kaalinteeda bulshoweynta caalamka.