Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Caasimadda dalka Shiinaha ee Magalada Bijin.
Ujeedka Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi ay uga qeyb geli doonaan shir  lagu magacaabo Arab States Cooperation Forum (CASCF),kaas oo Maanta ka furmaya magalada Bijin.
Shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaan xiriirka dowladda Shiinaha kala dhaxeeyo Wadamada Carabta oo ay Soomaaliya ku jirto,waxana ka qeyb geli doona Madaxweynaha shiinaha ee Xi Jinping iyo madax kale.
Shirkaan oo noqonaya midkii 8aad,ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka noqon doona kana qeyb galaya Wasiirada Arrimaha Dibada ee Wadamada Carabta,waxana sidoo kale uu yahay markii ugu horreysay ee la qabto mudo 14 Sano ah ka hor.
Qodobada ugu muhimsan ee shirkaas lagu falanqeyn doonoo ayaa waxaa ka mid ah wadhasaqeyn wanaagsan oo ku saabsan dhinaca Dhaqaalaha iyo xiriirka dowladda shiinaha iyo Wadamada Carbeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa Sanadkaan ka mid noqotay Wadamada lagu casuumay shirkaas oo muhiim u ah Wadamada Carbeed oo ay Soomaaliya ku jirto,waxana la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu khubad ka jeediyo.