Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.
Wasiir Cabdullaahi Fartaag iyo Ergayga ayaa kulankooda inta uu socday waxa ay diirada ku saareen oo ay uga wada hadleen wada-shaqeynta ka dhexeeysa dhinacyada amniga iyo dagaallanka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.
Wasiirka iyo Ergayga aya isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala warqaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Khawaarijta.
General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.