Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sweden, Tobias Billström ayaa waxa uu kulan wadajir ah la yeeshay 20 Danjire iyo Ergoooyin ka tirsan dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.
Wakaallada Wararka dalka Sweden ee TT oo kulankaasi kadib wareysatay Wasiir Tobias Billström ayaa waxa uu tilmaamay inuu shirkaasi ahaa mid wanaagsan oo wax dhisayo.
Waxa uu xusay inuu la kulmay xubno isugu jiray Danjirayaal iyo Madaxda Ergooyinka dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, isla markaana uu garwaaqsaday Fal-Celintii xooganayd ee laga muujiyey Dhacdooyinkii lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.
“Kulanka waxa uu Fursad ii siiyey sidii aan u sharxi lahaa Mowqifka Sweden iyo Xorriyada Dastuurka dalka Sweden ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Tobias Billström.
Waxa uu sii raaciyey inay xadidan tahay Awooda Dowladda ee ay ku faragelin karto Xorriyada Hadalka, balse ay haatan dib-u-eegis ku hayaan sidii wax looga bedeli lahaa Qoddobada Dastuurka iyo in kale.
Si kastaba, Kulanka uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sweden la yeeshay Danjirayaasha dalalka Islaamka ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ay Dowladda Sweden qabanqaabiso, tan iyo markii uu xumaaday Xiriirka Diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Islaamka kadib, Falalkii Xadgudubka ahaa ee Nuqulo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka lagu gubay gudaha dalkaasi.
W/Q Ustaad NuuradiinÂ