Wasiirkii Arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ee uu xilka qaadistii ku sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa Muqdisho kulan kula qaatay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho.
Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gara ahaan doorashadii dhawaan ka qabsoontay Magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiir Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa sidoo kale ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya kala hadlay xaaladda Abaaraha ka jira deegaanada Maamulka Puntland iyo Gargaarka bini’aadannimada.
Wasiirkii Arrimaha gudaha Puntland ee xilka qaadista lagu sameeyay ayaa Marwo Anita Kiki Gbeho uga mahadceliyay taageerada Qaramada Midoobay mar kasta la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland..
Si kastaba Wasiir Dhabancad oo xilkii ka qaaday Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa weli sii wata shaqadiisa, wuxuuna horey ula kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.