Wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Puntland Maxamed Mosadak Saadaq ayaa ka hadlay dhacdo ka dhacday degmada Xarfo ee gobalka Mudug, halkaasi oo isaga ay ku weerareen dhallinyaro, kuwaasi oo Wasiir ku-xigeenka fal dhaawac ah gaarsiiyay.
Wasiir Maxamed Musadaq ayaa waxaa la tilmaamay inuu ku dhacay dhagax ay isku tuurayeen dhallinyaro kamid ah dadka deegaanka, waxaana Wasiir ku-xigeenka falkaasi kasoo gaaray dhaawac fudud oo dhinaca ilkaha ah, sida ay sheegaan dad joogay goobta.
Qoraal kooban uu soo saaray Wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Puntland ayuu ku sheegay inuu caafimaad qabo, isla markaana la qabtay dhallintii dhagxaanta kusoo weerartay isaga iyo dad la socday ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga degmada Xarfo ee Mudug.
Wuxuu intaas kusii daray in aysan jirin wax jir dil ladhaho oo soo gaaray tiimka la socday iyo isaga, Maxamed Musadaq Saadaq ayaa carabka ku dhuftay inay wadaan howlihii ay degmada Xarfo u tageen oo aheyd furitaanka Kalafadhiga Golaha Deegaanka Xarfo iyo kor u qaadista aqoonayd ee xubnaha way socon sidii oo ahaa qorshaha Wasaarada .
Γ’β¬ΕWaan Caafimaad qabaa , wax dhaawac ah oo isoo gaaray majiro oo aan ahayn Caruur dhagax isku tuuraysay ayaa nasoo gaaray waana laqabtay dhalintii ,wax jir dil ladhaho oo soo gaaray tiimkayga iyo anigaba majiraan sida qaar kamid ah warbaahinta ay qoreyso, hawshii aan wadnay oo ahayd furitaanka Kalafadhiga Golaha Deegaanka Xarfo iyo kor u qaadista aqoonayd ee xubnaha way socon sidii oo ahaa qorshaha WasaaradaΓ’β¬Β ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Puntland.