Wararka naga soo gaarayo magaalladda Cadaado ayaa sheegayo inay Ciiddanka Ammaanka xabsiga dhigeen Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Maamulkaasi, Maxamed Maxamuud Guure IYO Â labo ka mid ah Ilaaladiisa, kuwaasi oo la sheegay inay rasaas ku fureen goobta Doorashadda.
Ma cadda sababaha rasmiga ee uu Wasiirkaasi u soo weeraray Xarunta Doorashadda ee magaalladda Cadaado, inkasta oo ay wararka qaarkood sheegayaan inuu khilaaf kl dhexeeyey  mid ka mid Ergooyinka Beeshiisa.
Dhinaca kale, Wasiirka la xiray ayaa la sheegay inuu yahay Musharax xubinta Aqalka Hoose ee Barlamaanka kula tartami lahaa Musharax Mustaf Dhuxulow.
©Radio Dalsan