Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale, ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey qorshaha beesha Abgaal ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Xundubey oo wareysi siiyey Dalsan TV, ayaa sheegay in uu xubin ka yahay guddi beesha Abgaal, oo baaritaan dhab ah ku sameeyey sababaha u fududeeyey kooxda Al-Shabaab inay gudaha u soo gasho. Sida uu sheegay, baaritaankan waxa uu diiradda saarayo arrimo ay ka mid yihiin dhaq-dhaqaaqyada kooxda, iyo saameynta ay ku yeelanayaan amniga deegaanka iyo guud ahaan dalka.
Wasiir hore Xundubey waxa uu sidoo kale xusay in dagaalkii ka dhacay Masaajidka Cali Gaduud uu yahay mid ka mid ah dhacdooyinka muujinaya xiisadda amni ee ka jirta gobolka, isaga oo tilmaamay in dhacdadan ay iftiimisay xaaladda adag ee amniga ee ka taagan gobolka Shabeellaha Dhexe. Xundubey wuxuu carrabka ku dhuftay in madaxda deegaanka sida Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe ay si weyn uga warhayaan culeyska jira, islamarkaana ay madaxweyne Xasan Sheekh la kulmeen si ay warbixin dhameystiran ugu gudbiyaan oo loogu qoro qorshe isku-duuban oo looga hortago khatarta Al-Shabaab.
Xundubey ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ee ku aaddan difaaca qaranimada iyo amniga Muqdisho. “Shabeellada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose waa gobollo muhiim ah oo aan la iska indha tiri karin marka ay timaado difaaca amniga guud ee Muqdisho iyo ilaalinta qaranimada Soomaaliya,” ayuu yiri Xundubey. Wuxuu xusay in madaxweynuhu ka go’aansaday in uu dego Shabeellaha Dhexe si uu uga hortago khataraha amni ee ka imaan kara, isagoo ka hadlay baahida loo qabo in si adag looga hortago Al-Shabaab.
Wasiir hore Xundubey wuxuu intaas ku daray in xaalada beesha Abgaal ee ka soo galeen kooxda Al-Shabaab ay tahay mid kooban, laakiin ay ka go’an tahay in si adag looga hortago una qaadaan dagaal lagu ilaalinayo amniga iyo nabadgelyada deegaanka. Waxa uu caddeeyey in beesha Abgaal ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda kale ee deegaanka si loo abuuro xaalad amni oo ka hortagta weerarada kooxda Al-Shabaab.
Xundubey ayaa sidoo kale tilmaamay in guddi beesha ah ay ka shaqeynayaan sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, isagoo sheegay in arrintan aysan noqon doonin wax ceeb ah, isla markaana uu beesha diyaar u tahay inay dib ugu laabtaan deegaanada ay Shabaab soo galeen si loo xaqiijiyo amni buuxa.
“Intii aan joognay Cadale, madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Cali Guudlaawe, si guud iyo siyaabo gaar gaar ahba waan ula kulanay, waxaan u gudbinay go’aan lagu abaabulayo howlgalka oo beeshu ka mideysan tahay,” ayuu yiri Wasiir hore Xundubey.
Wuxuu sidoo kale xusay in dadaallada beesha Abgaal ay yihiin kuwo isdaba-joog ah, waxaana xusid mudan in beesha ay sidoo kale ka qayb qaadaneyso qorshayaasha amni ee dowladda Soomaaliya iyo deegaanka, si loo soo celiyo xasilloonida iyo amniga dalka.