Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Maanta oo jimco ah gaaray degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan ayaa waxaa Balad-xaawo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta degmada, Saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaas, iyaga oo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.
Labada Mas’uul oo warbaahinta kula hadlay xera ciidan oo ku taalla Balad-xaawo ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkoodu uu yahay siidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee la doonayo in Maamulka Jubbaland uu ka bilaabo Gobolka.
Sidoo kale Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan waxaa ay u sheegeen ciidamada iyo dadka deegaanka Gobolka inay muhiim tahay in la helo Maamul Jubbaland oo mideysan, isla markaana ay kulamo la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Gobolka iyo kuwa degmooyinka.
Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sandkii 2021 waxaa uu isaga oo watay ciidamo daacad u ahaa ay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo kula dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka.
Janan ayaa markii looga adkaaday dagaalka kadib isku soo dhiibay dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna markii dambe uu iska casilay xilkii Wasiirnimo ee uu ka haayay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.