Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaaradda kaga hadlay xaaladda cakiran ee xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo diiradda saaray qodobbo dhowr ah oo ku saabsan wada-hadallada u dhexeeya labada dal.
Wasiirka ayaa si cad u dhaliilay hadallo kasoo yeeray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya, kuwaasoo ku andacooday in ciidamada Itoobiya ay “si qasab ah†ugu sugan yihiin gudaha Soomaaliya. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadallada noocaasi ahi ay kasii dareen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee hadda taagan, isagoo xusay in Itoobiya ay tahay inay ixtiraamto madaxbannaanida Soomaaliya.
Isagoo ka jawaabayay sheegashooyinkii Itoobiya ee ahaa in ciidamadoodu ay dhiigooda u hureen difaaca Soomaaliya, Wasiirku wuxuu tilmaamay in intii lagu guda jiray sanadihii 2007-2008, ciidamada Itoobiya ay gacan ka geysteen dilka in ka badan 20,000 oo qof oo Soomaali ah, burburinta hanti dadweyne, iyo barakicinta 800,000 oo qof oo rayid ah.
“Waxaa jira ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ATMIS oo ku dhintay dagaalka lagula jiro AS, laakiin taasi micnaheedu maahan in aad badda iyo dhulkaaga ka tanaasusho,†ayuu yiri Wasiir Fiqi. “Waxaa naga baxay dad ka badan inta ay iyaga uga dhinteen dagaalka, kuwaasoo naftooda u huray in dalka laga xoreeyo gumeysiga.â€
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka ay dowladda Turkiga ugu jirto in xal nabadeed laga gaaro xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo rajeeyay in wareegyada soo socda ee wada-hadallada ay horseedi doonaan heshiis ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.