Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/raxmaan Yuusuf Caynte ayaa si kulul u beeniyey Maqaal lagu soo qoray Shabakadda Wararka ee theeastafrica.com , oo lagu naqdiyey Wareysi uu Wasiirku siiyey mid ka mid ah Telefishinadda ku hadla Afka Soomaaliga.
Qoraal uu Wasiir Caynte soo dhigayΓΒ Cinwaanka @Aynte ee uu ku leeyahay Barta Twitterka ayuu ku sheegay in laga been abuuray hadalkiisa iyo in la yaqaano dadka ka shaqeeyey arrintaasi.
Thank you! And we know the folks who operate it. It basically misrepresented everything I said & stand for. But hey! It’s an election year! https://t.co/R9oqOPJHlD
Γ’β¬β Abdi Aynte (@Aynte) October 22, 2016
Hadalka Beeninta ee Wasiir Caynte ayaa timid maqaal bishan October 19-dii lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ΓΒ theeastafrica.com, laguna muujiyey inuu Wasiirku sheegay in uu aad u liito Nidaamka Waxbarashadda ee Somalia.
Maqaalka waxaa lagu xusay in Waraysi uu Wasiir Caynte Toddobaadkii hore siiyey Telefishinka Universal ku sheegay in Nidaamka Waxbarashadda Jaamacadaha Somalia ka hooseyso Heerka Caalamiga, isla markaana Ardayda ka qalin jebisa Jaamacadaha Maxaliga lahayn tayadda Fursadda Shaqada.
Shabakadda theeastafrica.com waxay kaloo qortay in Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federalka Somalia carrabka ku dhuftay in Qurbo-joogta wax ku soo baratay dalalka Sweden, UK ama Maraykanka inay ka ΓΒ tayo fiican yihiin kuwa wax ku bartay gudaha Somalia ,isla markaana ay buuxiyaan Fursadaha shaqo ee ka jirta Somalia.
Γ’β¬ΕIsma barbar dhigi kartid wiilasha ama gabdhaha dhallinyarada ee saboolka ah oo aan nasiib ku filan u helin inay helaan xuquuq la mid ah kuwa Qurbo-joogta soo qalin jebiyeyΓ’β¬Β ayuu yiri Wasiir Caynte oo ah Muwaadin Somali-Maraykan.
Dhinaca kale, Macaamiisha BartaTwitterka ayaa ku kala qeybsamay Maqaalka laga qoray Wareysiga uu Wasiir Caynte dhawaan siiyey Telefishinka Universal.
Qaar ka mid ah waxay dhaliileen Wasiir Caynte, halka kuwo kale ay Barahooda Twitterka soo dhigeen Oraahyo ay ku taageerayaan Hawsha uu Wasiirku u hayo Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Jiilka soo korayo.
Minister @Aynte denies fabricated article published by @Alleastafrica and says the aticale is baseless and we know the mastermind. #Somalia
Γ’β¬β Somalia Live Update (@HassanIstiila) October 23, 2016
Sagal Ashuur waxay barteeda Twitterka soo dhigtay: Γ’β¬Ε Maqaalkaasi waa la siyaasadeey ee Wasiir Caynte waa la yaqaanaa inuu u doodo Dhallinyarada iyo inuu maalgeliyo.
This article is politically motivated! @Aynte is well known advocator &investor of #SomaliYouth https://t.co/nU4U9k8R7c via @Alleastafrica
Γ’β¬β Sagal Ashour (@SagalAshour) October 22, 2016
Ahmed Hassan oo ka qalin jebiyey Jamaacadaha Muqdisho ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay: Γ’β¬ΕWaa nasiib-xumo ΓΒ iyo masΓ’β¬β’uuliyad-darro in aan la dhiiri-gelinin Halganka Wanaagsan eeΓΒ shaqada Dhallinyaradeenna iyo Dib-u-dhiska DalkeennaΓ’β¬Β.
These are called sponsored stories ! https://t.co/WRp7LtaWCd
Γ’β¬β Hassan Gesey (@HAliGesey) October 23, 2016
@Aynte dhalinyarooy ha ku qaldomina wax ay wadan qaarka siyaasiyiin raba iney magaca ugu ciyaraan, Wasiir aynte @SagalAshour @sandhoolyare
Γ’β¬β Khadar Ibra (@IbraKhadar) October 23, 2016
Waa Diiday,
Ololaha Siyaasadeed ee aad wadato in aad kula soo hoos dhuumato dhalinyarada, @Aynte #SomeoneTellAynte @mohamedbashleΓ’β¬β Moh’ed W Sandhool (@sandhoolyare) October 23, 2016
I value @Aynte according to his contribution to the society. If you need to see his achievements go and visit his institution#patriotic
Γ’β¬β Hafsa Haji Elmi (@MandeqArmani) October 23, 2016
Well done @MandeqArmani I agree with you, as she said you should go an visit his institution #patriotic @Aynte https://t.co/SPaBIXc3Ut
Γ’β¬β Mustaf jego (@mustafcm1) October 23, 2016
ΓΒ©Radio Dalsan