Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa waxaa lagu mamnuucay si KMG ah in guryo looga dhisto agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Qoraalka ay soo saartay Wasiir Fardowsa Cismaan ayaa waxaa lagu sheegay in la joojiyey dhammaan dhismayaasha ka socday dhulalka ku yaalla gudaha Garoonka Aadan Cadde iyo bannaankiisa, kadib markii ay Wasaaradda soo gaareen dacwooyin badan.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa tilmaamtay in Garoonka Aadan Cadde uu yahay muraayadda dalka, taas oo muhiim ka dhigeysa in nidaam loo helo dhismayaasha xiga Garoonka.
“Iyadoo laga amba qaadayo dardar gelinta howlaha baaxada leh ee hor yaalla iyo markaan aragnay dacwado badan oo dhinaca dhulka ah, waxaana lagama maarmaan noqotay in dhamaan dhulka ku yaalla gudaha iyo hareeraha garoonka dhismihiisa loo joojiyo, si ku meel gaar ah,†ayaa lagu yiri warqadda Wasaaradda Gaadiidka.
Sidoo kale Qoraalka ay soo saartay Wasiir Fardowsa Cismaan ayaa waxaa intaas lagu sii daray in dhismaha dhulka Garoonka uu keenayo amni darro dhinaca duulimaadyada ah, isla markaana go’aankaan looga soo saaray feejignaan.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda