Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 24 saac kadib waxa ay war ka soo saartay weerarkii duqeynta ahaa ee shalay lagu qaaday Xerada weyn ee xalane oo ku taalla Magalada Muqdisho.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa waxaa marka hore lagu cambaareeyay weerarkaas hoobiyeyaasha ah ee shalay Xerada Xalane lagu weeraray oo khasaaro kasoo gaaray Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.
Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Amniga ay baaritaan dhab ah ku heyso dadkii ka dambeeyay weerarkaas,isla markaana Shacabka Soomaaliyeed la ogeeysiiyay dhawaan dadkaasi cadaalada lahor-keeni.