Iyadoo Lagu balansanaa in maalinta  Sabtida taariikhdana ku beegan tahay 13-6-215 ay wasaarada waxbarashada dalka qaado imtixaan mideysan oo laga qaado ardayda kala duwan ee dhameestay dugsiyadda sarre ee dalka soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay in wasaarada ay dib  u dhigtay xiligii lagu balansanaa in la qaado imtixaanada.
Mudada dib loo dhigay Imtixaanada ayaa lagu sheegay mudo laba cisho ah cilado farsamo awgeed waa sida uu wasiir kuxigeenka hadalka u dhigay.
Wasaarada waxbarashada dalka ayaa dardar xoogan ugu jirto sidii dib loo soo celin lahaa tayada waxbarasho ee dalka uu lahaa.