Wariyihii Telefashinka Qaranka uga soo warrami jiray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Cabdikariin Axmed Bulxan ayaa xalay u geeriyooday dhaawac halis ahaa oo kasoo gaaray rasaas uu ku furay Askari waadiye ka ahaa Xarun agoon.
Marxuum Cabdikariin Axmed ayaa waxaa la sheegay in dhaawaca uu kasoo gaaray madaxa oo ay ka haleeshay uu ku furay Askariga oo sida la tilmaamay waadiye ka haayay xarunta agoonta lagu xanaaneeyo oo kutaalla magaalada Caabudwaaq.
Allaha u naxariistee Cabdikariin Axmed Bulxan oo in badan ka shaqeynayay Warbaahinta iyo arrimaha samafalka ayaa madax ka ahaa Xarunta lagu dilay, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay Wasiirka Warfaafinta, sidoo kalena tacsida loo dirayo qoyska marxuumka ayaa hareeysay baraha Bulshada.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaana ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan , mana bixin wasaaradda faah faahin kale oo ku aadan dilka wariyaha iyo sida uu u dhacay.