Quburada falanqeeya Arimaha Ciidanka ayaa ka hadlay sababta dowladda Soomaaliya ka hortaagan magacaabidda Taliyayaasha Nabad-sugidda iyo Booliska Ee Soomaaliya oo muddo ku dhaw 80-cisha aan la magacaabin.
Saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka qaarkood oo Idaacadda Dalsan la hadlay ayaa kula taliyey dowladda Soomaaliya inay ka fiirsato cidda ay ku aamineyso xilalkan oo ah kuwa muhiim ah oo loo baahanyahay inaan cid walbaahi la isaga dhiibin.
Col,Cabdi Nuur Jaamac Jookar oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ayaa u sheegay Warbaahinta Dalsan in dowladda Soomaaliya ay tillaabo wanaagsan u marto magacaabidda Hoggaanada ciidanka kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo horraan shaqada ka cayrisay Taliyayaashii ciidanka NISA iyo Booliska Soomaaliya ayaan wali magacaabin Taliyayaashii badali-lahaa Taliyayaasha ay dowladdu cayrisay.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha oo dhameystiran.