Cunugaan Mucjisadaha ah ayaa waxa uu ku dhashay Isbitaalka Kalkaal ee Magalada Muqdisho,waxaana howlwadeena Isbitaalka ay faah faahin ka bixiyeen Cunuga Mucjisada ah ee ku dhashay Isbitaalkaas.
Daahir Sayid Axmed oo ka mid ah howlwadeena Isbitaalka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Cunugaas Isbitaalka ku dhashay 24kii Bishaan,isla markaana aan laheyn Madax iyo Qoor balse u eg Qof Bani’aadam ah.
Waxa uu sheegay in Cunuga Wajigiisa lagu dhejiyey Shafka ama Xabadka,sidoo kalena uu leeyahay Hormuunada Ragga iyo dumarka intaba taas oo layaab ku noqotay Dhaqaatiirta Isbitaalka.
“Xaqiiqdii wax dhibaato ah dhalmadiisa Hooyadiis uma marin laakin waa cunug u eg Xayawaanka oo kale qeybo kalena uu uga eg yahay Bani’aadam oo wuxuu isku yahay rag iyo dumar intaba,marka la dhalaayayna ma aheyn qof nool.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in marka laga reebo Wajigiisa iyo Calaamadaha kale ay ku arkeen in jirkiisa kale sida lugaha ay yihiin kuwo dhameystiran oo ay ka muuqdaan Calaamadihii Bani’aadamka,isla markaana ay qaadatay Hooyadii dhashay.
Sikastaba Carruurta ku dhalata sida mucjisadah ah ayaa mararka qaar waxaa ay ku dhashaan dalka,taas oo Culumada ku sheegeen in ay tahay Mucjiso Rabbaani ah.
Hoos Ka Dhageyso Waresiga mid ka mid ah howlwadeenada Isbitaalka Kalkaal.