Kadib barqanimadii Maanta markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen degmada Balcad  isla markaana ay soo baxayeen warar sheegayay in ay la wareegen ayaa waxaa weerarkaas Radio Dalsan u faah faahiyay gudoomiyahaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Fuurdug)
Gudoomiye Qaasim oo Caawa sigaar ah ula hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in wararka sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegen degmada Balcad uu yahay mid ben abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Waxa uu sheegay in afaafka hore ee degmada Balcad ay Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen balse ciidamada Dowladda eek u sugan degmada Balcad ay iska difaaceen.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in haatan uu socdo howlgallo lagu dabagalayo ragii ka tirsanaa Shabaab ee maanta weerarka ku soo qaaday degmada Balcad balse ay amar ka sugayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha degmada Balcad oo dhameystiran.