Askariga ka tisran Ciidamada dowladda ee ku sugan Isgoyska EVECO oo ku dhow Warshada Taraqa iyo Sigaarka ee Wadada Warshadaha ayaa Maanta rasaas ku furay Gaari ambulance oo sidey meyd.
Rasaasta ayaa waxaa ay waxyeelo ka soo gaartay mid ka mid ah dadkii saarnaa Gaariga meydka siday.
Qof ka agdhowaa Goobta  ayaa sheegay in Shaqsiga meydka ahaa ee Gaariga saarnaa lana doonayay in la soo aaso lagu Magacaabi jiray marxuum Dhaqane Muxumed Aaden,sidoo kale waxaa dhaawac uu markii soo gaaray Axmed Nuur oo ay ehel ahaayeen qofka meydka ah ee la waday,kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaarey.
Wararka aan helayo ayaa waxa ay sheegayaan in Askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigay.
Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin dhankooda dhacdadaan oo ah mid ku Cusub Magalada muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Qof Goobjoog ahaa oo ka Sheekeyneya.