Maxamad Xuseen Cadow oo guddoomiye u ah Golaha bad baadada jubbooyinka ayaa sheegay in golihiisu wado olole ka dhan ah Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Mr.cadow oo isagoo ku sugan magaalada London wareysi siiyay Radio Dalsan  waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulkaa)Axmed Madoobe)  in uusan wax latashi iyo mudnaan ah siinin wax garadka iyo shacabka degaanada jubaland sidaasi daraadeedna golihiisu u taaganyahay badbaadada mustaqbalka reer jubaland sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in iyaga go’aankooda uu yahay sidii dadka degan deegaanada gobolada Jubbooyinka ay ula xisaabtami lahaayeen Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Golaha badbaadada Jubbooyinka.