Adeegga ambalaasyada ee gurmadka degdegga ah ee Aamin ee Muqdisho, ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shaqadoodu ay halis ugu jirto inay u joogsato dhaqaale la’aan, iyo iyadoo aan taageero joogta ah laga helin dowladda iyo hey’adaha gargaarka si adeegaasi uu u sii socdo.
Maanta ayaa waxaa walaacaasi ka wada hadlay Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo  guddoomiyaha hay’adda gaadiidka gurmadka caafimaadka ee Aamin, Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji.
Guddoomiyaha hay’adda gaadiidka gurmadka caafimaadka ee Aamin, Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji,ayaa ka hadlay walaacaas,isaga oo wareysi siinayey Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Waxa uu sheegay in weli ay qabeen walaacaas oo uu sheegay in ay sabab u tahay taageero dhinaca dhaqaale oo aysan ka helin dowladda mudada 12-sanada ah oo ay Shaqeynayaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay kulamo gooni gooni ah la qaateen wasiirka caafmaadka Soomaaliya iyo duqa Muqdisho,isla markaana balan qaadyo ay u sameeyeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha hay’adda gaadiidka gurmadka caafimaadka ee Aamin, Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji.
Wareysiga VOA SOMALIA