Waxbarashadu waa mid ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah ee ay tahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed helaan. Haddii la doonayo in ubadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo awood leh oo ku guuleysta waxbarashadooda, si ay mustaqbalka ugu waxtar noqdaan qoyskooda, bulshadooda, iyo qarankooda, waa in la siiyaa fursado waxbarasho oo dhamaystiran, laga soo billaabo heerka hoose ilaa jaamacad. Dastuurka Soomaaliya wuxuu qeexayaa in dowladda ay waajib ku tahay inay taageero, waxbarasho, iyo adeegyo kale siiso dadka naafada ah, inta ay awoodo.
C/casiis Maxamed C/qaadir, oo ah madaxa waxbarashada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, qeybta agaasinka waxbarashada ee gobolka Banaadir, ayaa sheegay in dowladdu masuuliyad ka saaran tahay inay waxbarasho siiso dadka naafada ah. Tani waxay qeyb ka tahay dadaalka lagu xaqiijinayo in dadka naafada ah ee Soomaaliyeed ay helaan fursado waxbarasho oo siman.
Mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee dadka naafada ah ay la kulmaan waa helitaanka waxbarasho ku habboon baahiyahooda. Ilyaas, oo ah arday dhagool ah, ayaa sheegay in dadka naafada ah, gaar ahaan kuwa dhagoolka ah, ay la kulmaan caqabado fara badan oo dhanka waxbarashada ah. Wuxuu yiri: “Caqabadaha aan la kulano ma ahan oo kaliya kuwa la xiriira helitaanka macalimiin noo tababaran, laakiin sidoo kale waxaa jira qalab iyo agab waxbarasho oo aan weli si buuxda u helin.â€
Amal C/laahi Axmed, oo ah gabar araga naafo ka ah, ayaa sannad ka hor ka qalin jabisay mid ka mid ah jaamacadaha dalka. Waxay ii sheegtay in, intii ay waxbaraneysay, ay la kulantay dhibaatooyin fara badan oo ku gadaaman helitaanka adeegyada loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah. Amal waxay tilmaantay in, in kasta oo ay jiraan fursado waxbarasho, haddana aan si fiican loo fududeyn helitaanka agabka ay u baahan tahay si ay si buuxda ugu guuleysato waxbarashadeeda.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay dhowr sano ka hor, in ka badan 1 bilyan oo qof oo naafada ah ayaa dunida ku nool, kuwaasoo ah 15% bulshada caalamka. Qayb weyn oo dadkaas ah ayaa ku nool waddamada soo koraya, sida Soomaaliya oo kale, halkaas oo naafada ay la kulmaan dhibaatooyin dhaqaale, bulsho, iyo mid adeegga aasaasiga ah ah.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha waxay aaminsan yihiin in haddii dadka naafada ah ay helaan waxbarasho, ay wax weyn ka beddeli karaan naftooda, deegaankooda, iyo bulshada guud ahaan. Tani waxay noqon kartaa mid suurtagal ah haddii la fududeeyo wacyigelinta iyo in la horumariyo adeegyada waxbarashada ee u gaar ah dadka naafada ah.
C/raxmaan Maxamuud Kulane, oo ah agaasimaha ururka dhalinyarada aragga naafada ka ah, ayaa tilmaamay in caqabadaha ay la kulmaan dadka naafada ah ay aad u badan yihiin. Wuxuu ku taliyay in si looga baxo dhibaatooyinkan loo baahan yahay in la horumariyo barnaamijyo iyo adeegyo gaar ah oo si buuxda u taageeraya dadka naafada ah.
Sidoo kale, Macallin Xamdi Maxamed Muxumed, oo ah macallimad ka howlgasha iskuulka dadka dhagoolada ah, ayaa sheegtay in dadka naafada ah ay la kulmaan caqabado faro badan oo aan lagu soo koobi karin hal meel. Waxay tilmaantay in dhibaatooyinkaasi ay ugu sii daran yihiin tababarka macallimiinta loo diro iskuullada dadka dhagoolka ah oo aan u qalmin heerka iyo baahiyaha gaarka ah ee ardaydaasi.
C/casiis Maxamed C/qaadir, oo ah madaxa waxbarashada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu ay waddo qorshe lagu hubinayo in dadka naafada ah ay helaan xuquuqdooda waxbarasho, isla markaana lagu fududeynayo caqabadaha hortaagan horumarkooda waxbarasho. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in qorshahan uu muhiimad weyn u leeyahay dhismaha mustaqbalka naafada Soomaaliyeed, iyada oo laga shaqeynayo in laga dhigo qeyb muhiim ah oo ka mid ah bulshada wax ka beddeli karta xaaladda dalka.