Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay waxa uu maalmahan safarkiisa hawleed ee ugu dambeeyey ku marayaa Dowlad-gobaleedyadda, si ay isku macasalaameeyaan.
Nicholas Kay waxa uu maanta ku sugan yihiin magaalladda Kismaayo, isagoo kulamo la leh Madaxda Dowlad-gobaleedka Jubbaland, wuxuuna isbuucii hore tegay magaalladda Garowe, oo uu kula kulmay Madaxweynaha Puntland.
Nicholas Kay waxa Xilka Wakiilka QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay loo soo magacaabay bishii April 23-dii sannadkii 2013-kii, wuxuuna Ergaygii hore ee QM ee Arrimaha Somalia, Augustine Mahiga kala wareegay xilkaasi bishii June 3-dii ee isla sannadkii 2013-kii.
Nicholas Kay ayaa la filayaa inuu dabayaaqadda bisha December ee soo socoto ka dego Xilkaasi, waxaana xilkaasi u sharxan Diplomaasi lagu magacaabo Michael Keating oo u dhashay dalka Britain.
Michael Keating waxa uu haatan Agaasime Cilmi-baare ka yahay Aqalka The Chatham House ee hoos taga Machadka The Royal Institute of International Affairs.
Diplomaasi Michael Keating waxa uu soo maamulay tiro Mashaariic Nabadayn ah, xida Xilligii Kala-guurka Siyaasadda ee dalka Afganistaan.
Ilaa dhamaadkii 2012-kii, waxa uu ahaa Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha dalka Afganistan.
Waa La-taliye Xalinta Colaadaha, waxa kale oo uu inta badan diyaariyaa Qorshaha Ficilada ee QM, gaar ahaan Xoojinta doorka QM ee in dadka  laga badbaadiyo Khataraha Dagaalladda, gaar ahaan dalka Syria.
Waxa uu khibrad u leeyahay Isku-xirka u dhexeeya Kaalmooyinka Horumarinta, Siyaasadda iyo Dowlad-wanaaga.
Waxa uu ka soo shaqeeyey dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, Bariga Dhexe iyo Wadadnka Afganistan.
Waxa kale oo uu La-taliye dhinaca Maamulka u ahaa Hay’adda QM ee Horumarinta Barnaamijyadda (UNDP) ee magaalladda New York muddadii u dhexeysay sannadihii 1999-kii ilaa 2001-dii.
Wuxuu kale oo uu La-taliye u ahaa Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee dalka Afganistan muddadii u dhexeysay sannadihii 1997-dii ilaa 1999-kii.
Khibradiisa kale ee Hawlaha QM ee uu soo qabtay waxaa ka mid ah:
- 2004-tii ilaa 2008-dii: Wakiilka QM ee dalka Malawi.
- 2008-dii ilaa 2010-kii: Waxa uu ahaa xubin ka tirsan Qeybta Barnaamijyadda Afrika ee Xarunta Chatham House.
- 2010-kii ilaa 2012-kii: Waxa uu ahaa Ku-xigeenka Ergayga QM ee dalka Afganistan.
Diplomaasiga Michael Keating waxa uu Shahaada Master of Arts ee dhinaca Taariikhda kaa qaatay Jaamacadda ka qalin jebiyey Jaamacadda The University of Cambridge.
Michael Keating waa 56-jir, ku dhashay caasimadda Uganda ee Kampala, waana Xaasle afar carruur leh.
Si kastaba ha ahaatee, Ergayga Cusub ee  Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa la filayaa inuu dhawaan booqasho ku yimaado magaalladda Muqdisho, si uu xilka ugala wareego uga qeyb galo Ergayga QM ee uu xilka kala wareegayo, Nicholas Kay.
© Radio Dalsan