Waajid, Bakool – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad qeybta 60-aad oo fadhigoodu yahay degmada Waajid ee gobolka Bakool, ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab kusoo qaadeen degmadaas.
Sidoo kale, howlgal ay sameeyeen laamaha ammaanka ee Waajid ayaa lagu qabtay muuqaal-duubihii Al-Shabaab, oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Maxamed, kaasi oo lagu tuhunsanaa inuu kooxda u qaabilsanaa abaabulka iyo faafinta wararka.
Dhanka kale, ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey qaraxyo miino oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay la damacsanaayeen shacabka ku dhaqan Waajid. Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in miinooyin la aasay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Waajid, halka mid kale lagu dhigay inta u dhaxaysa magaalada iyo garoonka. Balse dhammaan miinooyinkaas waxaa si taxadar leh u soo saaray ciidamada, iyagoo ka hortagay khasaaro ka dhici lahaa magaalada.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkan ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan baaritaano dheeraad ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada degmada iyo hareeraheeda.