Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo ballaaran oo qorsheysan ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Mudug, iyagoo beegsaday fariisimihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalkan oo ahaa mid si weyn loo abaabulay ayaa laga fuliyay magaalada Bacaadwayne ee Koonfurta Mudug, halkaas oo ciidanku ku beegsadeen xubno sare iyo dagaalyahanno muddo dheer ku dhuumaaleysanayay magaaladaasi.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa xaqiijiyay in fariisimihii ugu waaweynaa ee lagu dagaalamay ay hadda gacanta ugu jiraan Ciidanka Xoogga Dalka, taasoo guul weyn u ah dadaallada lagula dagaallamayo AS iyo Daacish.
“Howlgalkan waa mid sii socon doona, waxaana ku howlan qorshayaal ballaaran oo lagu xoreynayo guud ahaan gobolka Mudug,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada, isagoo intaas ku daray in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu sii xoogeystay maalmahan dambe.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan howlgallo kale oo lagu xaqiijinayo sugnaanta amniga deegaannada laga saaray kooxda Al-Shabaab, si dib loogu soo celiyo xasiloonida iyo noloshii caadiga ahayd ee shacabka.