In kabadan 500 oo qoys ayaa lagu soo waramayaa in ay ka qaxeen deegaanadda Galcad iyo But-but, oo ka wada tirasan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, Â halkaasoo dhawaan ay isaga baxeen ciidamada Itoopiya iyo kuwa dowladda.
Galcad iyo But-but, markii ciidamada ay isaga bexeen waxaa durba la wareegau Al Shabaab.
Dagaalka ay Al Shabab kula wareegeen deegaanadaasi ayaa waxaa uu dhacay dodobaadkaan, waxaana ku geeryooday askar badan oo labada dhinacaba isugu jira, sidoo kale, illo wareedyo ayaa noo xaqiijiyay in saraakiil iyo gudoomiyihii deegaanka Galcad ee gobalka galgaduud khadar maxumed cali ay ku geeryoodeen.
Intaasi kadib markii Al Shabab ay gudaha ugaleen deeganadda waxaa la sheegay in halkaasi ku dileen ku dhowaad toban ruux oo uu ku jira Gudoomiyaha deegaanada Galcad Aabihiis, shaqaale ka shaqeeya is-gaarsiinta iyo nin daroowal ahaa.
Dad marqaatayaal ah ayaa sheegay in tobanka qof ee la dilay, Seddex kamid ah in la gowracay, waxaana labo mid ah ay ushaqeynayeen Shirkada Hormuud, halka Murxuumka kalena uu u shaqeynayay shirkada Nationlink, waxaana lagu kala magacaabayay, Geedi Maar, Cabdi unduroow.
Dadka deegaanka waxaa ay bilaabeen in ay isaga baxaan deeganadda, waxaana lasoo sheegayaa in ay horay usii raaceen Ciidamada Dowladda iyo kuwo Itoopiya oo markii ay ka bexeen deegaanadaasi u jiheystay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Qaar kamid ah dadkii geediga ahaa ayaa Radio Dalsan u sheegay, in ay uga bexeen deeganadaasi cabsi ay ka qabaan Al Shabab, iyo in uu saameeyo isbedelka ku yimid deegaanadooda.
Al Shabab ayaa isku balaariyay xaafadaha ay deegaanadda ay ka koobanyihiin waxaa la sheegay in ay sameysteen fariisimo cusub, taasoo dadka cabsi kale ku reebtay oo ah in ay ciidamada Itoopiyaanka ay soo rogaalceliyaan.
Goobaha waxbarashada ayaa la sheegayaa in aysan aheyn kuwa shaqeynaya, waxaana ardayda ay hihiin kuwo guryahooda jooga.
Maamulka dowladda soomaaliya ayaan wali ka hadlin waxa keenay in ay baneeyaan deeganadda Galcad iyo But-but, oo ka wada tirasan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Halkaan ka dhegeyso, mid kamid ah dadka Deegaanka oo magiciisa kusoo koobay Cabdi.