Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday Bam gacmeedyo ku qaaday fariisimo ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.
Dad la hadlay Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkaas si gaar ah uu uga dhacay halka loo yaqaan Baar Jowhar ee xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa, waxaana weerarka kadib dhacay rasaas xooggan oo dhinacyada is dhaafsadeen.
Dhawaqa rasaasta u dhexeeysa ciidanka Booliska dowladda ee la weeraray iyo ragga hubeysan ayaa laga maqlayey xaafaddo ka tirsan degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.
Saraakiisha laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war kasoo saarin weerarkaa arroornimadii hore ee saaka rag hubeysan ay ku qaadeen saldhig ciidanka Booliska ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa.
Falalka amni darro sida dilalka qorsheysan ay geysanayaan rag hubeysan, weeraro iyo dhac ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay qeybo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halka dhanka kalena ciidanka ammaanka ay wadaan howlgalo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho.