Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin ku hubaysan uu bastoolad maanta toogasho ku dilay marxuum magaciisu ahaa Khadar Cabdi Cali oo guddoomiye u ahaa bulshada kasoo jeeda deegaanada Soomaali Galbeed ee ku nool Boosaaso.
Ninka hubaysan ayaa la sheegay in uu marxuumka ku dilay gurigiisa oo ku yaalla xaafada loo yaqaan Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaso, sida uu VOA u sheegay goobjooge magaciisa ka gaabsaday sababo ammaan dartood.
Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu sidoo kale dhaawac ku gaaray wiil yar oo uu dhalay marxuumka la dilay, wiilka yar ayey ku dhacday raastii aabihii u geeriyooday.
Laamaha ammaanka ee gobolka Bari ee magaalda Boosaaso, ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan ninkii dilka gaystay mana jirto cid sheegatay inay ka dambaysay dilka marxuumka.
Boosaaso ayaa waxaa hore uga dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeysan, waxaana inta badan dilalka magaaladaasi Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka dhaca sheegta mas’uuliyadooda Al-Shabaab iyo Daacish.