Saqdii Dhexe ee Xalay oo Sabti ahayd ayaa waxa uu qarax ka dhacay Guri ku yaalla Degmadda Erba ee Gobalka Tokat ee Waqooyiga dalkaasi.
Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Gendarmerie ayaa sheegay inuu qaraxaasi dhacay, kadib, markii ay ciiddanka galeen Guri ay dadka Deegaanka ka soo cawdeen, lamana garanayo waxa sababay Qaraxaasi.
7 qof oo ay ku jireen 5 Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Gendarmerie ayaa ku dhaawacmay, kuwaasi oo loo gudbiyey Isbitaalka.
Docda kale, Guddoomiyaha Gobalka Tokat, Nucmaam Hatipoglu ayaa sheegay inay Baaritaanada Hordhaca muujinayaan inuu shilka ka dhashay Khilaaf Colaadeed oo u dhexeeyey Labo Qoys oo deris ahaa.
Guddoomiyaha waxa uu intaasi ku daray inay ciiddanka qabteen 2 qof, kadib dhacdadaasi.
Kooxo Khubaro Takhasusi ah ayaa la geeyey Guriga uu Qaruxu ka dhacay, si ay baaritaan ugu sameeyeen Haraaga Qarax ee sababay dhaawaca iyo Burburka Dhismooyin.