Kooxo hubeysan ayaa barqadii Maanta waxa ay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dileen mas’uul ka tirsan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Dad ayaa waxa ay ku warrameen in mas’uulka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf ay dabley hubeysan oo watay Bastoolado ay ku dhex dileen hoygiisa, isagoona Marxuumka u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in falka kadib ay goobta ka baxsadeen kooxihii hubeysnaa ee falkaasi khaarijinta ahaa geystay, ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Dharkeenley ayaa tagay guriga uu dilka ka dhacay, kadibna qaaday Meydka.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka tacsiyeeysay geerida Marxuum Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaraddaasi.
Maxamed Yuusuf ayaa ahaa Sawir-qaade ka tirsan Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal loo geystay mas’uuliyiin, Askar iyo dad shacab ah.