Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo saqdii dhexe kusoo dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, jugta illaa saddex hoobiye ayaa la maqlay, kuwaasi degmooyinka Cabdicasiis iyo Boondheere ku kala dhacay.
Mid kamid ah madaafiicda ayaa la tilmaamay inuu ku dhacay gudaha xerada gaadiidka Booliska oo ku taalla Cabdicasiis, isla markaana waxaa ku dhaawacmay hal Askari oo kamid ah ciidanka Booliska dowladda Federaalka oo halkaasi ku sugnaa.
Kan labaad ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay aagga xarunta NISA ee Habar-Khadiijo oo aan ka fogeyn xero Gaadiid, halka midka saddexaad isna uu ku dhacay degmada Boondheere ee Muqdisho, gaar ahaan meel banaan ah.
Wararka ayaa sheegaya in wax khasaaro ah aysan geysan labada dambe ee madaafiicda, halka kan koowaad oo kaliya la sheegay inuu ku dhaawacmay Askari kamid ah ciidanka Booliska dowladda.
Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarinΓΒ madaafiicdan xalay ku dhacday qeybo ka mid ah caasimada oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.