Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu maanta oo talaado ah ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay hadda ku sugan yihiin xubnaha loo magacaabayo xilalka wasiirrada ee cusub, waxaa sidoo kale goobjoog ah weriyeyaal ka socda gudaha iyo dibadda.
Wararku waxay sheegayaan in isbeddel yar lagu sameyn doono Wasaaradaha qaar. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa la filayaa in aysan ka soo dhex muuqan doonin liiska cusub.
Waxaa la soo kordhin doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyadoo wasaaradda Dastuurkana lagu biirin doono wasaaradda Caddaalladda iyo Garsoorka.
Wejiyo cusub ayaa la filayaa inay ka soo muuqan doonaan golaha wasiirrada cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka loo magacaabay 15-kii Juun ayuu Baarlamaanka Federaalka ah 25-kii Luulyo muddo 10 cisho ah oo dheeraad ah u siiyay inuu ku soo dhiso xukuumadda cusub.