Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dhismo dabaqyo ah oo xalay ku soo dumay magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag, waxaana laga helayaa warar dheeraad ah.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in marka hore uu soo dumay dabaq dheer oo 8 biyaano ahaa, isla markaana uu ku dul dumay dabaq kale, kadibna waxaa la tilmaamay in dabaaqsi uu ku dul dhacay guri halkaasi ku yaallay.
Inta la xaqiijiyay illaa saddex qof ayaa ku naf-waayay dabaqyadaan isku dul dumay, halka dad kalena ay ku dhaawacmeenm, waxaana dadka goobta ku dhintay ah ahaayeen dhammaantood dad isku qoys ah oo kala ahaa hooyo, iyo laba gabdhood oo ay dhashay.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa durbadii la geeyay isbitaal, waxaana gurmad xooggan u sameeyay waaxda gurmadka deg dega ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan oo goobta tagay.
Muuqaalo iyo Sawirro laga baafiyay dhismayaasha soo dumay ayaa muujinayay burbur xooggan oo ka dhashay dabaqyada isku soo dumay, Ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah.