Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Diyaarad nooca xamuulka oo duhurnimadii Maanta ku dhacday Garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Xarunta, caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Diyaaradan oo u rarneyd ciidanka ATMIS ayaa dhacday, kadib markii dhabbaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ka baxday, isla markaana waxaa la sheegay in diyaarada uu dab xooggan ka kacay, kaasi oo ugu dambeyn lagu guuleystay in la demiyo.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaarada ay si toos ah uga timid dalka Uganda, ayna saanad ciidan iyo agab kale u waday ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.
Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay shilkaan diyaaradeed, waxaana gudaha diyaarada laga soo badbaadiyay dad la socday iyo qaar kamid ah shaqaalaha saarnaa.
Maareeyaha garoonka Jowhar Mukhtaar Abuukar Macalin ayaa warbaahinta gudaha ha u sheegay in Diyaaradda u rarneyd ciidanka ATMIS agabkii saarnaa dhamaanna ay bas beeleen, sida uu yiri.